Wax soo sarka saliida adduunka oo la dhimayo

Wax soo sarka saliida Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Wax soo sarka saliida

Waddamada saliidda soo saara ee ku bahoobay ururka OPEC ayaa ku heshiiyay in ay dhimaan wax soo sarka saliidda , si ay isugu dayaan in waxoogaa sicirka saliida ceyriin ee caalamka uu sare u kaco.

Wa markii ugu horreysay oo heshiis noocan ah ay waddamada gaaraan muddo 8 sano ah.

Sicirka saliida ayaa 5% sare kacay, ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska ay gaareen waddamada saliidda soo saara.

Wasiirrada saliidda ee waddamada ku bahoobay ururka OPEC ayaa waxaa ay sheegeen in shirka bisha November ee sanadkan dhici doona lagu soo bandhigi doono heshiiska kama dambeysta ah .

Xiriirka xumaaday ee Iiraan iyo Sacuudiga ayaa caqabad ku noqday heshiisyo la doonayay in xal looga gaaro wax soo saarka saliidda.