Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil reer Congo ah

Jamhuuriyada Dimoqraaddiga Congo
Image caption Jamhuuriyada Dimoqraaddiga Congo

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay laba sarkaal oo aad ugu dhaw madaxweynaha Jamhuuriyada Dimoqraaddiga Congo Josep Kabila.

Mareykanku waxaa uu sheegay in General Gabriel Amisi Kumba uu amray in si colaad ku dheehan tahay loo carqaladeeyo dibad bax ay dhigayeen Mucaaradka iyo in uu ku lug lahaa 40 qof oo la dilay sannadkii tagay.

Waxay sidoo kale Mareykanku edeeyeen sarkaal sare oo horay uga tirsanaa booliska dalka DRC oo lagu magacaabo Mr John Numbi, kaas oo la sheegay in uu handaday hogaamiyaha Mucaaradka Congo.

Ragga la eedeeyay ayaan ilaa imika ka jawaabin eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana todobadkii tagay dalka Congo lagu dilay in ka badan 12 qof, kuwaas oo ka banaan baxayay dib u dhaca ku yimid doorashada Madaxtinimada.