Carruurta xalab oo xanuunnada dhimirku ku soo badanayaan

ku dhawaad boqolkiiba afartan bulshada Xalab ku nool waa caruur Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption ku dhawaad boqolkiiba afartan bulshada Xalab ku nool waa carruur

Dhakhtar sare oo ku sugan qaybta bari ee magaalada Xalab ee ay mucaaradku haystaan ayaa sheegay in tiro sii kordhaysa oo ka mid ah carruurta halkaas ku sugan ay qabaan xanuun dhanka dhimirka ah.

Dhakhtarku wuxuu arrintaas ku sheegay in ay ka dhalatay duqaymaha sii socda ee ay wadaan diyaaradaha dagaalka ee Suuriya iyo kuwa Ruushka.

Hatem, oo ah madaxa isbitaalka caruurta ee magaalada ayaa sheegay in boqolkiiba toban ka mid ah caruurta isbitaalka la keeno maalin kaste ay qabaan noocyo ka mid ah xanuunnada dhimirka ku dhaca.

Wuxuu intaas ku daray in aan la dawayn karin carruurtaas inta ay sii socdaan bambooyinka ay ka qaadeen cabsida iyo murugada ay qabaan.