Duufaanta Matthew oo ku wajahan Jamaica

Duufaanta Matthew Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Khubarada saadaasha hawada ayaa heerkeeda duufaanta Matthew gaarsiiyay 5, oo ah kan ugu sareeya

Duufaanta AMatthew, oo ahaa tii ugu xoog badneyd ee muddo 9 sano ah kasoo kacda badda Atlantic-ga, ayaa ku wajahan dalka Jamaica, ayadoo wadata dabeylo ku socda xawaaro gaaraya 260 km saacadiiba.

Duufaantaasi ayaa burbur ballaaran u geysan karta dhismooyinka, waxaana khubarada saadaasha hawada ay heerkeeda gaarsiiyeen 5, oo ah kan ugu sareeya.

Ra'iisul wasaaraha Jamaica, Andrew Holness, ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray baarlamaanka dalkiisa, si ay uga arrinsadaan u diyaargarowda duufaantaasi.

Waxaa la filayaa in ay soo gaarto dhulweynaha Jamaica maalinta Isniinta ah, ayadoo la saadaalinayo in ay marka hore ku dhufan doonto xeebaha koonfureed, ka dibna caasimadda Kingston oo aan sidaa uga fogeyn xeebahaasi.

Ciidanka dalkaasi iyo kooxaha gurmadka ayaa heegan sare ugu jira waxyeelada ka dhalan karta duufaanta Mathhew.