Xuska heesaha qaraamiga iyo Aamina Faarax
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xuska heesaha qaraamiga iyo Aamina Faarax

Fanaanadda caanka ah ee reer Jabuuti Aamina Faarax Wabar ayaa beryahan danbe u jeesatay inay boodhka ka tunto heesihii hore ee qaraamiga ahaa oo ay ku luuqeyso.

Aamina Faarax oo fasax ku joogtay magaalada Hargeysa ayaa waxaa la kulmay oo fankeeda gaar ahaan qaraamiga ka wareystay weriyaha BBC ee magaaladaasi Axmed Saciid Cige.

Sheekadii dhexmartayna waxa ay ku bilaabanaysaa Aamina oo ka hadlaysa goorta iyo goobta ay fanka ku biirtay?