Saxafiyiin Muqdisho lagu tababaray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saxafiyiin Muqdisho lagu tababaray

Magaalada Muqdisho waxaa tababar ku saabsan badqabka weriyaha loogu soo gabagabeeyay 30 suxufi oo ka howlgala magaalooyin dhawra oo ku yaalla Soomaaliya.

Suxfiyiintan ayaa la baray sida loo caawin karo qof dhaawac ah iyo sida si nabadda looga shaqayn karo meelaha ay colaaduhu ka jiraan.

Xasan Cali Geesey waxa uu ka mid yahay saraakiisha hay'adda SIMHA ee tababarkaasi bixinaysay, wuxuu u warramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, oo marka hore weydiiyay bal inuu faahfaahiyo tababarka ay qabteen waxa uu yahay?