Matxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota oo saddex jirsaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Matxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota oo saddex jirsaday

Boqollaal qof oo Soomaali ah ayaa ka qayb galaya sannad guurada saddexaad ee Matxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota ee waddanka Mareykanka.

Goobtan waxa lagu soo badhigaa agabka, dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida, waxaanay soo jiidatay boqollaal ajaanib ah oo xiisaynaya inay wax ka ogaadaan hab nololeedka iyo hiddaha Soomaalida.

Agabka lagu soo bandhigayo goobtan waxa garab socda badhig faneed isugu jira, heeso, gabayo iyo suugaanta qaybaheeda kalegdisan.

Haddaba Cismaan Maxamed Cali Gurey, maamulaha isla markaana ah aasaasaha Matxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida Minnesota, waxa uu u warramay weriyahayaga Mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine oo ka qeybgalay xafladda Matxafka ee sanadkan.