Duulaan ka dhan ah doonyo ay leeyihiin Xuutiyiinta

Xuutiyiinta Yemen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xuutiyiinta ayaa sanadkii hore qabsaday dhul ballaaran oo Yemen ah

Xulafada Carabta ah ee dagaalka ka wada Yemen, ayaa sheegay in ay bilaabeen duulaan ka dhan ah doonyo ay leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta, kuwaasoo weeraray markab laga leeyahay Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in markabka uu ahaa mid ciidan, ayna ku burburiyeen gantaal ay uga soo rideen meel u dhaw dekadda badda cas ku taalla ee al-Mokha.

Balse xulafada uu Sacuudigu hogaaminayo ayaa sheegtay in markabka uu ahaa mid gargaar bani'aadannimo siday.

Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa qeyb ka ah xulafada dagaalka kula jirta Xuutiyiinta, isla markaana caawinaysa xukuumadda Yemen.

Xuutiyiinta oo lagu eedeeyo in ay gacan ka helaan Iran, ayaa dhul ballaaran oo ka tirsan Yemen qabsaday sanadkii lasoo dhaafay.

Waxa ay weli maamulaan caasimadda dalkaasi ee Sanca.