Xuskii saddexaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota, dadka ka soo qeybgalay ka sokow, waxaa kaloo isugu
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Fanaaniin caan ah oo masraxiyad ku qabtay magaalada Minneapolis ee waddanka Mareykanka

Xuskii saddexaad ee Madxafka Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee Minnesota, dadka ka soo qeybgalay ka sokow, waxaa kaloo isugu yimid fannaaniin isugu jira kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwa dambe.

Waxaa ka mid ah fanaaniinta caanka ah ee Axmed Ali Cigaal, Hibo Maxamed, Khadiijo Hiiraan iyo Cabdijabaar Al-khaliiji oo soo wada bandhigay masraxiyad ka tarjumaysay dhaqanka Soomaalida.

Haddaba weriyaha BBCda Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseen Shiine, oo madasha kula hadlay hoballadan, ayaa Cigaal ku hormaray oo waydiiyay bal inuu ka warramo dareenkiisa iyo waxa uu dadka u soo bandhigay?