Haweeney u dhalatay Faransiiska oo Yaman lagu afduubtay oo la siidaayay

Nourane Houas waxa ay u mahadcelisay Cummaan oo galaangal ku laheyd siideynteeda Lahaanshaha sawirka OMAN NEWS AGENCY iyo AP
Image caption Nourane Houas waxa ay u mahadcelisay Cummaan oo galaangal ku laheyd siideynteeda

Haweeney u dhalatay dalka Faransiiska oo afduub loogu haystay dalka Yeman ayaa la sii daayay.

Nourane Houas waxay asalkeeda kasoo jeedaa dalka Tunisiya. Waxaa la qafaashay bishii December.

Gabadhan oo u shaqeyneysay hay'adda Bisha Cas ayaa ka dib markii la sii daayay loo qaaday dalka Cummaan.

Dowladda Cummaan waxay sheegtay in sii deynteeda ay gacan ka geysteen dowladda Faransiiska iyo ururo ku sugan Yeman, laakiin ma aysan magacaabin kooxahaasi.

Nourane Houas waxaa afduubtay koox hubeysan xilli ay ku sii socotay magaalada Sanca oo ay maamulaan Xuutiyiinta.

Waxaa lala qabsaday qof ay isla shaqeynayeen. Saacado kadibna waxaa la sii daayay qofkaas isagoo aan dhibaato la gaarsiin.

Ma jirto koox sheegatay afduubkaasi. Hay'adda ICRC waxay diiday inay sheegto kooxda afduubka ka dambeysay iyo ujeedada ay lahaayeen.

Sidoo kale, hay'addu waxay ka gaabsatay inay faahfaahiso sida lagu sii daayay haweneyda u shaqeyneysay.

Mowduucyada la xiriira