Kashmir qeybta India oo kacsan

Kashmir Xiisad Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xaaladda Kashmir ee qeybta India ayaa kacsaneyd todobaadyadii dambe

Xaaladda magaalada Srinagar, oo ah tan ugu weyn Kashmir qeybta ay ka maamusho India, ayaa kacsan ayadoo ay ciidamo daadsan yihiin inta badan qeybaha magaalada.

Wiil 12 jir ah ayaa u dhintay dhaawac iska hor-imaadka kasoo gaaray Jimcihii shalay ahaa, waxaana geeridiisa ay tirada dhimashada ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ka dhigeysaa 91 qof.

Ciidanka ammaanka ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday si uu u horjoogsado dad ka qeyb qaadanayay aaska wiilkaasi.

Dhanka kale, waxaa Jimcihii 13-aad aan salaadda Jumcaha lagu tukan masaajidka weyn ee ku yaalla xaafadda Nowhatta ee magaalada Srinagar.

Gobolka Kashmir ayaa u kala qeybsan laba dhinac oo India iyo Pakistan ay kala maamulaan, waxaana labada dal ay sheeganayaan in ay leeyihiin gobolka oo dhan.