Pique oo “muran” awgii uga fariisanaya xulka Spain

Gerard Pique Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Pique ayaa ku caanbaxay inuu u ololeeyo madaxbannaanida gobolka Catalonia ee Spain.

Laacibka daafaca uga dheela Spain, Gerard Pique, ayaa ka fariisan doona ciyaaraha caalamiga ah marka uu dhammaado koobka adduunka ee 2018, ka dib muran ka dhashay funaanada uu ku dheelo.

Laacibkan 29 jirka ah ee ka tirsan kooxda Barcelona, ayaa ku caanbaxay inuu u ololeeyo madaxbannaanida gobolka Catalonia ee Spain ka tirsan.

Ciyaartii ay xalay Spain 2-0 uga adkaatay Albania, ayaa gacanta funaanadiisa waxaa si ka duwan ciyaartooyda kale aan ku dhagneyn calanka dalkiisa.

Ka dib dhaleeceyn badan oo uga timid bulshada Spain, ayaa xiriirka kubadda cagta ee dalkaasi waxa uu ka hadlay sida ay wax u dhaceen, asagoo difaacay Pique.

War qoraal ah oo uu soo saaray xiriirka, ayaa lagu sheegay in Pique uu gacmaha ka jaray funaanadiisa, isla markaana uu sidaa ku qanacsanaa, taasoo ay horay u sameeyeen ciyaartooy badan.

Pique ayaa xulka Spain la qaaday koobkii adduunka ee 2010 iyo kii Euro ee 2012.

Waxa uu sheegay in uu ka daalay dhaliisha loo soo jeedinayo, sida awgeedna uu ciyaaraha xulka Spain ka fadhiisan doono marka uu dhammaado koobka adduunka ee 2018.