Xaaladda dadka raga la' ee Somaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda dadka araga la' ee Somaaliya

CUE: Iyadoo maanta ay ku beegantahay 12 October, maalinta caalamiga ah ee araga ayaa magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay munaasabaddo looga hadlayo dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka araga la'.

Dad badan oo araga la' oo hadda helay usha cad ee ay ku socdaan ayaa la kulmay caqabado ay kamid yihiin bulshada ay la nool yihiin oo aan warba u hayn usha cad, una haysta tii caadiga ahayd ee dadku qaadan jiray.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Adan ayaa warbixintan ku eegaya dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka araga la' ee usha cad wata.