Dad ku dhintay iska hor imaad dhex maray booliska iyo Shiicada Nigeria

Mid ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay iska hor imaadkii ka dhacay magaalada Funtua Lahaanshaha sawirka IHRC
Image caption Mid ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay iska hor imaadkii ka dhacay magaalada Funtua

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay iska hor imaadyo ka dhacay woqooyiga Nigeria mar ay Muslimiinta Shiicada ah ee dalkaasi u dabbaal degayeen xuska dhacdo diineed.

Xuska maalinta Caashuura, oo ah maalin la xuso dilka wiilkii Nabi Muxammad awowga u ahaa ayaa laga mamnuucay meelo dhawr ah oo uu ku jiro gobolka Katsina.

Dad goob joog ahaa ayaa BBC-da u sheegay in sagaal qof ku dhinteen magaalada Funtua oo ku taal gobolkaa Katsina, ka dib markii ciidanku isku dayay inay hakiyaan dad doonayay inay wadooyinka magaalada socod ku soo maraan.

Booliska ayaa iyaguna sheegay in kooxo qas-wadayaal ahi sidoo kale weerareen kullano ay iskugu yimaadeen Shiicadu meelaha weeraradaasi ka dhaceenna waxa ka mid ah Kaduna oo laba qof ku dhinteen. Waxa kale oo magaaladaa dab lagu qabadsiiyay guuri uu deganyahay hogaamiyaya urur Shiico Islaami ah oo u janjeedha Iran.

Dowlad goboleedka Kaduna ayaa qaraar ay soo saartay ku mamnuucday ururka Islamic Movement of Nigeria (IMN), iyadoo sheegtay in ururkaasi halis ku yahay nabadgelyada gobolka Kaduna.