Falanqayn: Dad lagu dilay Yemen oo Sacuudigu ku khaldamay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Dad lagu dilay Yemen oo Sacuudigu ku khaldamay

Baaritaan ay Sacuudigu sameeyeen oo la xiriira duqayn loo geystay dad meyd aasayey dalka yemen ayaa lagu sheegay in Sacuudiga isbahaysigiisa ay weerarka qaadeen, kaasoo salka ku hayey xog khaldan.

Kooxda baaritaanka samaysay ayaa sheegaya in warbixin khaldan ay soo gudbiyeen saraakiil Yemeniyiin ah oo sheegay inay goobta ku kulansanaayeen hogaamiyeyaasha kooxda hubaysan ee xuutiyiinta, waxayna dalbadeen in talaabo degdeg ah laga qaado.

Baarayaashu waxay kaloo sheegeen in weerarka la qaaday ayadoo aan amar kama dambays ah la helin. Haddaba arrintan ma keeni kartaa in laga aamin baxo saraakiisha Yemeniyiinta? Su'aashaas iyo qaar kale ayaan hor dhignay Dr Xasan Al Basri oo cilmi baare ka ah jaamacad ku taalla Yemen oo la yiraahdo Axqaaf, kana faallooda arrimaha islaamka.