Weerar isqarxin ah oo Baqdad ka dhacay

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Weerar isqarxin ah oo Baqdad ka dhacay

Xagjir ayaa isku qarxiyay teendho ka dhisneyd suuq dad ka buuxeen deegaanka waqooyiga magaalada xarunta u ah Ciraaq.

Waxay aheyd xilli qado, waxaana teendhada ka buuxay Shiico dhigeysay xuska baroordiiqda dilkii Imaam Xuseen oo ay ka soo wareegatay in ka badan 1300 oo sano.

Xuska noocan oo kale ah, ayaa fursad dheer u ahaa xagjiriinta Sunnida si ay u weeraraan, una geystaan waxyeelo balaaran oo nafeeed.

Sanadkan kooxda la baxday khilaafada Islaamka, waxay soo celisay ololaheeda bambeynta Baqdaad, iyagoo dilay boqolaal ruux.

Ujeedka, ayaa ah mid ay uga jawaabayaan jabka kooxda ay kala kulantay dhul balaaran oo Ciraaq ah oo laga qabsaday.

Kooxda khilaafada Islaamka, ayaa sheegatay weerakan, iyagoo sheegashadooda soo mariyay warbaahintooda Amaq oo sheegtay in qof walxaha qaraxa ku xiran yihiin uu isqarxiyay, waxay kaloo sheegtay in weerarka uu ka dhacay degmada koonfur galbeed Jadiriya ee Baqdaad.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegtay weerar 15kii bishan ka dhacay Shaab waqooyi bari Baqdaad.

Kooxda khilaafada Islaamka la baxday, ayaa geysatay weero dhimasho keenay ilaa toddobadkii tagay oo ka dhacay Ciraaq iyo Afghanistan, iyagoo bartilmaameedsaday Muslimiinta Shiicada ee dhigayay xuska Imaam Xuseen.