Xaasaska Alshabab oo lagu amray inay ka baxaan Baardheere

Xaasaska Alshabab oo lagu amray inay ka baxaan Baardheere Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xaasaska Alshabab oo lagu amray inay ka baxaan Baardheere

Maamulka degmada Baardheere ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa armay in xaasaska ururka Alshabab ay magaalada uga baxaan toddobaad gudihiis.

Guddoomiyaha degmada ayaa ku eedeeyay inay u basaasaan ragooda, isagoo sheegay inay xirayaan hadii aysan bixin.

Wuxuu sheegay in howlgal militeri oo qasab magaalada looga saarayo uu dhawaan bilaabanayo.

Ururka Alshabab, ayaa laga qabsaday Baardheere sanadkii hore, balse waxay wadeen inay joogto u weeraraan magaalada.