Kooxda IS oo laga qabsaday magaalada Dabiq

IS oo laga qabsaday magaalada Dabiq Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption IS oo laga qabsaday magaalada Dabiq

Falaagada uu Turkiga taageero ee Suuriya ayaa ka qabsaday kooxda la baxday khilaafada Islaamka magaalada muhiimka ee Dabiq.

Magaalada oo ku dhow xadka Turkiga, ayey saakay qabsadeen labo kun oo dagaalyahanno ay taageerayaan hubka culus ee militeriga Turkiga, mana aysan kala kulimin iska caabin xooggan kooxda la baxday Khilaafada.

Dabiq ayaa astaan weyn u aheyd dacaayadaha jihaad doonka, waxayna tahay halka ugu dambeysay ee xilliga dhammaadka dunida ay ku dagaalami doonaan Muslimiinta iyo Kiristaanka.

Waxay ka mid aheyd magaaloyin iyo tuulooyin ku taxan xadka Suuriya ay la leedahay Turkiga, halkaasi oo weerarkii ugu xoogganaa uu Turkiga ku qaaday bishii Agosto iyagoo doonayay inay qabsadaan.