Haweenka Al-Shabaab oo lagu amray in ay ka baxaan Baardheere
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka Al-Shabaab oo lagu amray in ay ka baxaan Baardheere

Maamulka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa amar ku bixiyay in muddo 7 cisho ah ay magaaladaasi uga baxaan dad uu ku tilmaamay xaasaska iyo taageerayaasha Al-Shabaab iyo Daacish.

Gudoomiyaha degmadaasi, Cabdullaahi Nuur Xasan Cadow, ayaa BBC u sheegay in go'aankaasi ay gaareen ka dib markii sida uu sheegay ay u cadaatay in dadkaasi ay qeyb ka yihiin falalka amni darrada ah ee halkaasi ka dhaca.

Waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland uu la qabo go'aankaasi, isla markaana ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan haddii dadkaasi ay u hogaansami waayaan dagaalkaasi.

Al-shabaab ayaa muddo sanado ah ka talineysay magaalada Baardheere, ka hor inta aan laga saarin bartamihii sanadkii tegay.

Gudoomiye Cabdullaahi Nuur ayaa go'aankaasi uga warramay weriyaha BBC Bashiir Maxamed Caato.