Ruushka oo joojiyay duqeyntii bariga Xalab uu ka waday

Ruushka ayaa la filaayay in duqeynta uu joojiyo Khamiista Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ruushka ayaa la filaayay in duqeynta uu joojiyo Khamiista

Wasiirka difaaca dalka Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamadooda iyo kuwa Suuriya ay joojiyeen duqeyntii ka wadeen Xalab.

Tallaabadan ayaa imaaneyso laba maalmood ka hor xilligii la qorsheeyay in duqeynta la joojiyo.

Ma jirto wax faafaahin dheeraad ah oo ay Ruushka ka bixiyeen arrintan, balse u jeedada guud waxa ay tahay in shacabka iyo mucaaradka ay ka baxaan qeybta go'doonsan ee Xalab.

Waxaa loo furay laba marina ama wado oo ay ka bixi karaan inta lagu guda jiro sideeda saacadood ee duqeynta ay hakadka ku jirto.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Duqeymaha Ruushka waxaa ku dhimatay boqollaal qof

Isniintii, Wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub waxay si adag u cambaareeyeen xukuumadda Moscow oo ay ku eedeeyeen in dhibaato aanan laga sheekeyn karin ka geysteen Xalad.

Waxay intaasi ku dareen in tallaabada noocaas ah ay keeni karto dembiyo dagaal.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan