Hogaamiyaha mucaaradka Sudaanta Koofureed oo sheegay inuu ku noqonayo dalkiisa.

Riek Machar ayaa hadda ku sugan dalka Koofur Afrika Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Riek Machar ayaa hadda ku sugan dalka Koofur Afrika

Hogaamiyaha mucaaradka Suudaanta Koonfureed, Riek Machar, oo hadda ka soo muuqday Koonfur Afrika, ayaa sheegay in sumcadiisa sideedii hore tahay.

Caasimadda Juba ayaa waxaa bishii July ka dhacay dagaal culus, kaasoo meesha ka saaray heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray colaadda labada sano dalkaasi ka socotay.

Mr Machar ayaa beeniyay inuu ku baaqay sii hurinta colaadda dalkiisa.

Hadalkiisan ayaa imaanaya seddax bilood ka dib, markii uu u baxsaday dhanka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo.

Waxa uu BBC-da u sheegay inuu caafimaad qabo uusanna dhaawac ahayn hadda.

Wuxuu intaas raaciyay, in kala bar dalka ay maamulaan ciidammadiisa mucaaradka ee qowmiyadda Nuer-ka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee South Sudan, Riek Machar, wuxuu hadda beeninayaan inuu dalka ugu noqonayo si uu dagaal ka dhan ah dowladda u billaabo.

Image caption Malaayiin qof ayay colaadda dalka South Sudan saameysay, kuwaas oo ka qaxay guryahooda.

Dagaal u dhexeeyay qowmiyadda Machar ee Nuer iyo qabiilka madaxweyne Salva Kiir ee Dinka ayaa kala qeybiyay dalkaasi.

Waxaa colaadahaasi ku barakacay in ka badan laba milyan oo qof oo ka cararay rabshadaha.

Balse, Riek Machar waxa uu diiday inuu horay ugu baaqay in dagaalka la sii huriyo.

Wuxuu ku sheegay, wareysiga uu BBC-da siiyay, in haddii madaxweyne Salva Kiir uu muujiyo daacadnimo in uu diyaar u yahay in wadahadallada dib loo bilaabo.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan