Saamaynta ay abaarta ku yeelatay seyladda xoolaha ee Gaarisa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saamaynta ay abaarta ku yeelatay seyladda xoolaha ee Gaarisa

Deegaanno badan oo ka mid ah dhulka Soomaalidu degto ee Geeska Afrika ayaa xilligan waxaa ka taagan abaar saameysay dadka iyo duunyadaba.

Deegannada hoos yimaada Gaarisa ayaa ka mid ah kuwa sida ba'an ay u saameysay abaartaasi.

Seyladda xoolaha ee degmada Gaarisa ayaa waxaa aad hoos ugu dhacay tirada xoolaha loo iibgeeyo abaarta awgeed.

Sidoo kale saameynta abaarta ayaa waxa ay gaartay hilibka la qasho, oo kawaanleyda magaaladaasi ayaa ka cabanaya suuq xumo, sida uu kusoo warramayo weriyaheenna Waqooyi Bari Kenya, Bashkasu Jogsoo dhacay.