Boqollaal qof oo Moosil ka qaxay oo dhanka Suuriya u tallaabay

Dadka waxay u qaxayaan dhanka Suuriya oo Daacish ay maamusho Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dadka waxay u qaxayaan dhanka Suuriya oo Daacish ay maamusho

Hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay waxay sheegeysaa in in kabadan 900 oo qof ay ka qexeen magaalada Moosil ee dalka Ciraaq.

Dadkaasi ayay hay'adu sheegtay inay ka gudbeen xuduudda Ciraaq ay la wadaagto dalka Suuriya.

Waa markii ugu horreysay ee la xaqiijiyo in dad badan ay ka qaxayaan Moosil tan iyo markii ciidammada Ciraaq ay billaabeen inay ku sii dhowaadaan magaalada.

Dowladda Ciraaq oo garab ka heleysa Mareykanka iyo Kurdiyiinta ayaa waxa ay dooneysaa in magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq ay ka qabsato Daacish.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Boqollaal qof oo kale ayaa waxay u qexeen meelaha ay qabsadeen ciidamada dowladda Ciraaq

Moosil waa meesha ay ugu xoogga badan yihiin ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee dalka Ciraaq, halkaas oo laba sano ka hor ay qabsadeen.

Howlgalka lagu qabsanayo Moosil ayaa hadda la sheegayaa inuu gaabis ku socdo.

Ololahan ayaa socda maalintii sedaxaad. Moosil waxaa ku hareereysan ciidamo gaaraya ilaa iyo 30 kun oo askeri.

Ciidamada Ciraaq oo dhanka Koofureed kaga duulay magaalada waxay ku hakadeen deegaanno ay shacab badan ku nool yihiin.

Kurdiyiinta Peshmerga oo dhanka Bariga iyo Waqooyiga Moosil ku sugan waxay adkeynayaan amniga goobaha ay qabsadeen.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan