Dooni tahriibayaal siday oo xeebta Libiya lagu weraray

Tahriibayaasha Badda Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Tahriibayaasha Badda

Kooxdani oo layidhaa Sea Watch ayaa sheegay in iyaga oo gargaar u qaybinaya muhaajiriinta ,ay weerartay doon nooca dheereeya ah oo ay leeyahiin ilaalada xeebaha ee Libiya.

Kooxdani weerarka soo qaaday ayaa muhaajiriinta ulo ku garaacay isla markana badda ku tuuray, intoodii badanayd waa la badbadiyey lakiin waxaa la helay afar mayda iyada oo 25 tahriibana wali la baadi goobayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen