Mandela saaxiibkii oo ku baaqay in Zuma la casilo

Guriga uu ku leehay miyiga Nkadla madaxweyne Zuma ee aadka loogu dhibay Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Guriga uu ku leehay miyiga Nkadla madaxweyne Zuma ee aadka loogu dhibay

Wargeys ka soo baxa magaalada Johannesburg oo la yidhaa Star, ayaa sheegay in mid ka mid ah xubnaha mudada dheer ku soo jiray xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee ANC ayaa ku eedeeyay madaxweyne Jacob Zuma in uu "dilay" xisbiga.

Andrew Mlageni oo ah gudoomiyaha gudida anshaxa ee xisbiga ayaa sheegay in ay tahay in hogaanka sare ee xisbigu ku khasbo Zuma in uu is casilo, maadaama ay maxkamada dalka ugu sarraysa oo ah ta dastuuriga ahi ku heshay madaxweynaha bishii March in uu ku xad gudbay dastuurka kol hadii uu bixin waayay lacagtii dowladda ee uu si shakhsi ah ugu takri falay.

Waraysi ay jariidadu la yeelatay Mr Mlangeni oo ay in badan jaal ahaayeen madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Nelson Mandela, muddo bandanna ku wada xidhnaayeen Jasiiradda Robben Islan, ayuu ku yidhi "waa in ay hogaanka saree xisbigu go'aan qaataan oo ay ku yidhaahdaan is casil, waayo hadii uu is casili waayo wuxu dilayaa xisbiga iyo dhaqaalaha dalka oo uu dhulka la galayaa"