Abaar iyo biyo la'aan haysata qaybo ka mid ah gobolka Gedo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Abaar iyo biyo la'aan haysata qaybo ka mid ah gobolka Gedo

Abaarta ka taagan deegaanno badan oo ah kuwo ay Soomaalidu degto ee Bariga Afrika, ayaa saamaysay dad iyo duunyadaba.

Gobolka Gedo ayaa waxa uu ka mid yahay deegaannada ay sida weyn u saamaysay abaarta, waxaana qaar ka mid ah xoola-dhaqatada ay bilaabeen in ay usoo hayaamaan deegaannada xuduudda Kenya, si ay biyo iyo baad ugu helaan xoolahooda.

Jeelle Macallin Maxamuud oo ka mid ah odayaasha dadkaasi soo hayaamay, una soo dhawaaday soohdinta Kenya.

Khadka telefoonka ee deegaanka Geriley ayuu ugu warramay weriyaha BBC Suheyba Maxamed Badqas.