Dadaalo lagu gacan qabanayo bulshada Soomaalida ee Minnesota oo Mareykanka ka soconaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dadaalo lagu gacan qabanayo bulshada Soomaalida ee Minnesota oo Mareykanka ka soconaya

Magaalada Minneapolis ee wadanka Mareykanka, waxaa lagu qabtay kulan ay isugu yimadeen dalad ay leeyihiin ururada bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota, madaxda gobolka iyo hay'adaha deeqda bixiya ee gobolkaasi deggan.

Kulanka waxaa looga wadahadlayay qaabka ugu haboon ee bulshada Soomaalida loo caawin karo iyo sidii ay qeyb uga heli lahaayeen dhaqaalaha gobolka iyo sida hay'adaha deeqda bixiya ay ku caawin karaan bulshooyinka.

Xamza Maxamed Warfaa, waxa uu ka tirsan yahay Mac-hadka Cilmi Baadhista Geeska Afrika waana maareeyaha hay'adda la tashiga ee Tayo oo kulanka qaban qaabisay, wuxuu u warramay weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen.