Soomaalida oo labo wasiir ku yeelatay golaha wasiirada Itoobiya

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn,

Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihiisa Wasiirada ka dib mudaaharaadyo siyaasadeed oo horseeday in dalkaasi la geliyo xaalad deg deg ah.

Mr Hailemariam ayaa magacaabay 21 wasiir oo ay ku jiraan wajiyo cusub oo hoggaamin doono wasaaradaha maaliyada iyo arrimaha dibedda.

Axmed Shide ayaa laga dhigay wasiirka gaadiidka ahlka Cabdifitaax Sheekh Cabdullaahi oo loo daayay wasaradda shaqada iyo shaqaalaha. Labaduba waxay ka soo jeedaan deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waa markii ugu horreysay oo Soomaalida Itoobiya ay golaha wasiirada federaalka ka helaan laba xubnood.

Barta ay dowladdu ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in baarlamaanka uu ansixiyay liiska cusub ee wasiirada

Isbeddaladan waxaa loo arkaa in dowladdu ay uga gol leedahay inay wax uga qabato cabashooyinka loo soo jeedinayay tan iyo sanadkii la soo dhaafay.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegeya in xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda Tedros Adhanom oo ay xulafo dhaw yihiin Ra'iisal wasaaraha aan loo arki doonin tallaabo yaab leh maadaama uu yahay musharrax u tartamayo hoggaanka Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan