Tacadiyada ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wax ka qabashada tacadiyada ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliya

Waxaa dunida maanta oo ah labada November loo aqoonsaday soo gabagabaynta xisaab la'aanta dadka xadgudubyada u gaysta weriyayaasha.

Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ugu khatarta badan caalamka ee weriyayaashu ka shaqeeyaan.

waxan jirin cid xil iska saarta ka hortagga dambiilayaasha u bareera tacaddiyada ka dhanka ah suxufiyiinta.

Weriyayaal badan oo Soomaaliya ka shaqaynayay ayaa la kulmay xadgudubyo ay kamid yihiin dil, dhawaac, xarig iyo handaad joogta ah oo shaqadooda ka dhan ah mudo aad u dheer.

Haddaba sidee cadaaladda loo horkeeni karaa dadka xadgudubyada joogtada ah ku haya weriyayaasha?

Su'aashaasi iyo kuwa kaleba waxa uu weriyaheena Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan hor dhigay, Ismaaciil Sheekh Khaliif agaasimaha idaacadda Star FM ee Muqdisho, Farxiyo Maxamad Khayre oo madax ka ah urur ay leeyihiin gabdhaha suxufiyiinta ah, iyo gudoomiyaha idaacadda Mustaqbal Axmed Ciise Guutaale. Wuxuna su'aasha hore weydiiyay Guutaale.

Mowduucyada la xiriira