Kasper Schmeichel oo gacanta ka dhaawacmay

Kasper Schmeichel Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kasper Schmeichel ayaan wax gool ah laga dhalin afartii kulan ee uu ka dheelay horyaalka Yurub ee hadda socda

Goolhayaha kooxda Leicester City, Kasper Schmeichel, ayaa la filayaa in uu muddo ka maqnaado garoomada, ka dib markii uu gacanta ka dhaawacmay kulankii xalay kooxdiisa ay la yeelatay FC Copenhagen, ee ka tirsanaa horyaalka Yurub.

Ciyaartaasi ayaa ku dhammaatay barbaro 0-0 ah.

Schmeichel oo 29 jir ah, ayaa qeybtii hore ee ciyaarta ka dhaawacmay gacanta midig, balse waxa uu dheelayay ilaa iyo intii ayay ka dhammaaneysay.

Kooxdaasi haysata horyaalka Ingiriiska ayaa rikoor cusub u dhigtay horyaalka Yurub, ka dib markii aan wax gool ah laga dhalin afartii kulan ee ugu horeeyay ee ay dheeshay.

Dhanka kale, Leicester ayaan natiijooyin wanaagsan ka haysan horyaalka Ingiriiska ee xilli ciyaareedkan, ayadoo hadda ku jirta kaalinta 11-aad.