Nigeria: 750,000 oo qof oo codsaday shan boqol oo shaqo

Dad shaqo codsanaya Lahaanshaha sawirka AFP

Dowlada Nigeria ayaa sheegtay inay heshay ku dhawaad 75,000 codsi shan boqol oo shaqooyin xafiiska canshuuraha.

In kabadan laba kun oo qof ee dadka shaqada codsaday ayaa haystay shahaadada degree-ga darajada ugu saraysa.

Nigeria ayaa la tacaalaysa hoos u dhac dhaqaale oo ay sababtay sicirka shidaalka ee hoos u dhacay.

Tirada rasmiga ah ee dadka shaqo la'aanta ayaa ah 13%. Laakiin numbarka saxda ah wuu ka badan yahay intaas.

Wariyaha BBC ee Nigeria ayaa sheegaya in kororka dadka shaqo la'aanta ay keeni karto dhalinyarada inay ku biiraan kooxaha dagaalama.

Mowduucyada la xiriira