Shirka ganacsiga ee Afrika iyo Turkiga oo soo idlaaday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka ganacsiga ee Afrika iyo Turkiga oo soo idlaaday

Dalka Turkiga waxaa ku soo gebgeboobay kullan dhaqaalaha ku saabsan oo Afrika iyo Turkiga ay wada yeesheen.

Kullankaasi waxaa ka soo baxay in Turkiga uu maalgashado qaaradda Afrika, sidoo kalena Afrika ay xiriir ganacsi la yeelato dalkaasi.

Waxaa kullanka ka qeybgalay illaa 40 madaxweyne iyo wakiillo ka socday Afrika, waxaana shir gudoominayay madaxweynaha Turkiga Erdogan iyo madaxweynaha Chat, Idris Deby oo ah gudoomiyaha Midowga Afrika.

Injineer Cabdirashiid Maxamed Axmed, Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay kullanka qadka telefoonka ayuu ugu warramaya Axmed Xaji Xasan

Mowduucyada la xiriira