Maxkamad amartay xiridda iskuullo ku yaalla Uganda

Dallada Bridge International
Image caption Dallada iskuuladda ee Bridge International ayaa sheegta in ay carruurta saboolka ah u fidiyaan waxbarasho tayo leh.

Maxkamadda sare uu Uganda ayaa xukuntay in la xiro iskuullo ay leeyihiin maalqabeenno Maraykan ah.

Bishii October ayaa wasaaradda waxbarashada ee dalkaasi waxa ay amartay in ay shaqada joojiyaan, 63 iskuul oo hoos yimaadda dallada Bridge International Academies.

Iskuullada ayaa lagu eedeeyay arrimo ay ka mid yihiin nadaafad xumo, qalabka oo aan ku filneyn iyo in ay hareer mareen manhajka waxbarasho ee Uganda.

Iskuullada oo taageero ka hela maalqabeenno uu ka mid yahay Bill Gates, ayaa sheegaya in ay carruurta saboolka ah u fidiyaan waxbarasho tayo leh.

Dallada Bridge International ayaa racfaan ka qaadan doonta xukunka maxkamadda.