Kenya oo tarxiishay afhayeenka Riek Machar

James Gatdet Dak ayaa Nairobi lagu xiray ka hor inta aan la tarxiilin Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption James Gatdet Dak ayaa Nairobi lagu xiray ka hor inta aan la tarxiilin

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyay go'aanka ay Kenya ku tarxiishay afhayeenka madaxweyne ku xigeemkii hore ee Suudaanta koofureed Reikh Machar, waxayna sheegeen in noloshiisu ay khatar ku jirto.

James Gatdet Dak ayaa Nairobi lagu xiray ka dib markii uu barta uu ku leehay Facebook-ga uu ku qoray inuu taageersan yahay go'aanka Taliyaha ciidammada Qaramada Midoobay ee Suudaanta Koonfureed oo u dhashay Kenya shaqada looga ceyriyay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa shaqada ka eryay taliyahaasi ka dib markii baaris lagu soo gabagabeeyay in ciidamadiisa nabad ilaalinta ay ilaalin waayeen dad rayid ah.

Kenya ayaa si carro leh uga jawaabtay shaqo ka eriydda taliyahaasi waxayna sheegtay inay la baxayso ciidammada nabad ilaalinta ee tiroodoodu tahay kun askeri.

Waxayna sidoo kale sheegtay inaysan ka sii mid ahaan doonin hawlaha geedi socodka nabadda wadanka Suudaanta koofureed.

Afhayeen u hadlay falaagada ayaa sheegay in mas'uulkaasi la tarxiilay uu hadda ku xiran yahay caasimadda Suudaanta Koonfureed ee Juba.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Suudaanta Koonfureed, Riek Machar ayaa cambaareeyay xiritaanka afhayeenkiisa, wuxuuna sheegay in tallaabada ay Kenya qaadatay aysan waafaqsanayn xeerarka Geneva