Maamulka Jubaland oo sheegay inuu dhul siiyay qaxootiga noqonaya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Jubaland oo sheegay inuu dhul siiyay qaxootiga noqonaya

Amniga magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay ayadoo halkaasi ay ka socoto xullidda xildhibaanada baarlamaanka federaalka.

Iyadoo taasi ay jiro, Magaalada Kismaayo waxay qaabishay dad aad u badan oo ahaa qaxootigii laga celiyay xeryaha Dhadhaab.

Hadaba weriyaha BBC-da Bashkas Jug Soo dhacay oo dhawaan booqday magaaladaas ayaa duqa magaalada Ibraahin Maxamed Yuusuf ka waraystay sida ay ugu diyaargaloobayaan qaabilaadda qaxootiga soo noqonaya iyo bal in ay wax taakulo ah ka heleen hay'adaha gargaarka iyo guud ahaan ba nabad gelyada magaalada.

Waxaanu ugu horayn waydiiyay bal inuu si kooban uga waramo duruufta nabad gelyo ee magalaada.

Mowduucyada la xiriira