Qaramada Midoobay: Daacish dilal wadareed bay ka fulisay Mosil

Magaalada Mosil waxa ku go'doonsan hal milyan oo rayid ah Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Magaalada Mosil waxa ku go'doonsan hal milyan oo rayid ah

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay jiraan caddaymo muujinya in ururka la baxay Dowladda Islaamku ay falal dembiyeed kula kaceen dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada ku taal woqooyiga Ciraa ee Mosil iyo nawaaxigeeda, intii ay doonayeen dableyda kooxdaasi in ay ka hortagaan ciidamadii Ciraaq ee doonayay in ay gacan ku haynta magaalada kala wareegaan.

Xafiiska xuquuda aadanaha ee Qaramada Midoobaya ayaa sheegay in ay jiraan warbixino lagu kalsoonyahay oo tibaaxaya in kooxda xagjirka ahi ku kacday falal dambiyeedyo ah dil wadareedyo lagu fuliyey dad rayid ah iyo kuwo damcay inay ka goostaan kooxda.

Magaalada Mosil waxa ku jira in ka badan hal milyan oo qof rayid ah oo ay go'doomiyeen dagaallada ka socda magaaladu.