Mudaharaaddo weli ka socda Indonesia

Dibadbaxyadu intii hore si nabadgelyo ah bay u socdeen inkastoo mararka qaar ay booliska isku dhaceen Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dibadbaxyadu intii hore si nabadgelyo ah bay u socdeen inkastoo mararka qaar ay booliska isku dhaceen

Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo, ayaa baajiyay socdaal uu ku tagi lahaa Australia ka dib markii ay booliska iyo kumanaan Muslimiin maro ku dheg ahi isku dhaceen magaalada Jakarata.

Madaxweyne Widodo ayaa rabashadaha ku eedeeyay "siyaasiyiin saamayn leh" oo ka faa'iidaysanayay xaaladan ay kaga cabanayaan dadka dibadbaxeyaasha ahi badhsaabka Jakarta.

Dadka mudaharaadayaa waxay ku eedeeyeen badhsasaabka, Basuki Tjahaja Purnama, oo ah nin masiixi ah inuu af-lagaadeeyay Quraanka kariimka ah.

Rabshadaha ka dhashay dibadbaxan ayaa waxa ku dhintay qof keli ah laba iyo toban kalena way ku dhaawacmeen.

Madaxweyn Widodo oo ku baaqay xasilooni iyo in dadku ka dareeraan dariiqyada waawayn ayaa yidhi " aad baan uga xunnahay dhacdadan".

Booliska ayaa heegan u galay sidii ay uga hortagi lahaayeen is isku dhacyo ku salaysan diin iyo isir oo ay suurto gal tahay in ay ka qarxaan magaalo madaxda dalkaas, ka dib markii salaadii Jimcaha ee shalay ay kumanaan qof iskugu soo baxeen qasriga madaxtooyada hotiisa.

Warbixin qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska ra'isal wasaaraha Australia, Malcolm Turnbull, ayaa iyaduna xaqiijisay in booqashadii madaxweynaha Indonesia ku tagi lahaa dalkaas dib loo dhigay.