Dibadbax weyn oo ka dhacay Seoul

Seoul Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dibadbaxa Seoul

Dibadbixii ugu weynaa ayaa ka dhacay magaalada Seoul ee caasimada Kuuriyada Koonfureed, kaasi oo ay dadka ku dalbanayeen inay xukunka ka degto madaxweyne Park Geun-hye.

Qabanqaabiyayaasha dibadbaxa, ayaa sheegay in labo boqol oo kun ay ka soo qeybgaleen inkastoo boolisku tirada intaa ka yareeyeen.

Dibadbaxayaasha ayaa ka caryesan eedaha saaxiib ku dhow madaxweynaha oo aan wax jago dowladda ka hayn oo loo ogolaaday inay saameyn ku yeelatay dajinta qeynuunada.

Jimcihii ayey madaxweyne Park raaligelin ka bixisay fadeexadaasi, iyadoo beenisay in wax saameyn ah ay cid ku yeelatay.

Dibadbaxyo kale ayaa ka dhacay magaalooyin kale oo dalka ah.

Mucaaradka ayaa dalbaday inay iscasisho ama ay ogolaato in baarlamaanka keenaan ra'iisul wasaare labaad.