Ciraaq: Qaraxyo lagu le'day oo ka dhacay Tikriit, Saamarraa

Qaraxyada noocan ah ayaa sannadaba ka dhacayay magaalooyinka Ciraaq Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Qaraxyada noocan ah ayaa sannadaba ka dhacayay magaalooyinka Ciraaq

Laba qarax oo miidaame ah ayaa ku dilay ugu yaraan kow iyo labaatan qof magaalooyinka Tikriit iyo Saamarraa ee dalka Ciraaq.

Labada weerar ba waxa loo adeegsaday baabuur dhoolliyo ah (ambalaas) oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Labada baabuur midkood ayaa la jiidhsiiyey baabuur badan oo saf ugu jiray bar kaantarool oo ku taal magaalada Tikrik. Xogta ciidamada nabad gelyada laga helayaana waxay sheegaysaa in saddex iyo toban qof ku dhinteen qaraxaas.

Qaraxa kale ee ka dhacay Saamarraa ayaa isagana lala beegsaday babas siday Muslimiin Shiico ah oo siyaaro u socday.

Waxa loo malaynayaa in weeraradad ay ka dambeeyaan mitidiinta kooxda la baxday Dowladda Islaamka oo laga yaabo in ay uga dan lahaayeen in ay dowladda ka jeediyaan weerarka ay ku hayso magaalada woqooyiga ku taal ee Mosil ee ay kooxda Daacish gacanta ku hayso.