Hawada Delhi oo aad u wasaqowday

Hawada Delhi oo aad u wasaqowday
Image caption Hawada Delhi oo aad u wasaqowday

Magaalada Delhi ee caasimadda Hindiya, ayaa xireysa iskuulada saddex maalmood laga bilaabo isniinta, sababo la xiriira heerka wasaqowga hawada oo ka badan 70 jeer heerka hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Howlaha dhismaha iyo burburinta ayaa shan sanadood la mamnuucay. Magaalada oo ay ku nool yihiin ugu yaraan 18 milyan oo ruux, ayaa qabtay dhibaatooyin qiiq joogto ah, balse hadda waxay joogtaa heerkii ugu xumaa 20 sano.

Carada ay qabaan dadweynaha magaalada, ayaa ah mid la dareemi karo.

Boqolaal, ayaa maanta dibadbax ka dhigay magaalada. Waxayna haweeney su'aashay dadka waxa laga faa'idiyo beeraha lagu nasto hadii caruurtu aysan bixi karin, oo ay tahay inay sanka iyo afka xirtaan sida ay iskuuladu u sheegeen. Waxa sababay wasaqowgan, ayaa lagu sheegay bal lagu gubayo gobolada Haryana iyo Punjab.

Wasiirada goboladaasi, ayaa isniinta kulmaya si ay wax uga qabtaan mushkiladda oo ah mid aad u xun.

Wasiirka deegaanka ee dalka Hindiya, ayaa xalad degdeg ah ku dhawaaay, halka ninka xukuma Delhina uu ku tilmaamay wasaqda hawada magaalada mid la mid ah qol gaaska wax dila ka buuxo.