South Sudan: Weerar 11 ruux lagu dilay

South Sudan: Weerar 11 ruux lagu dilay
Image caption South Sudan: Weerar 11 ruux lagu dilay

Ciidamada ammaanka ee Suudaanta Koonfureed, ayaa baadigoobaya nin hubeysan oo ku dilay 11 ruux meel naadi ah oo ay ciyaar ku daawanayeen. Dadka dhintay, ayaa daawanayay horyaalka Ingiriiska.

Ciidamada ammaanka ayaa degdeg uga jawaabay, balse ninka hubeysnaa ayaa baxsaday sida uu sheegay wargeyska la yiraahdo National Courier.

Lix iyo toban kale, ayaa la sheegayaa inay ku dhaawacmeen dibadda magaalada xarunta ee Jubba Sabtigii. Waxa weerarka keenay ayaan la ogeyn.

Xiisad kacsan iyo ammaan darro, ayaa ka jirtay dhammaan wadanka Suudaanta Koonfureed ilaa bishii July, markaasi oo ciidamada dowladda ee Juba ay isku dhaceen kuwa daacadda u ah madaxweyne ku xigeenkii, Reik Machar oo markaas kaddib laga eryay shaqada, isagoo dalka isaga cararay.