Maxkamadda Kenya oo go’aan ka gaareysa Dhadhaab

Xeryaha Dhadhaab Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dhadhaab ayaa waxa ku nool nus malyuun qof oo u badan qaxooti Soomaali ah.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa maanta dhageysan doonto dacwad ka dhan ah go'aanka dowladda Kenya ay ku xireyso xeryaha qaxootoga ee Dhadhaab.

Hay'adda xaquuqul insaanka dalka Kenya ayaa sheegaysa in xiritaanka xerada Dhadhaab ay masiibo ku tahay kummanaanka qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool halkaasi, kuwaasi oo ay sheegtay in aysan haysan meel ay ku laabtaan.

Mas'uuliyiinta Kenya ayaa sheegaya in ay doonayaan in dhammaadka bishan ay albaabada yu laabaan xeradaasi Dhadhaab.

Waxa ay ku eedeeyeen qaar ka mid ah dadka qaxootiga ah ee deggan Xeryahaasi in ay u adeegaan Al-Shabaab si weerarro looga gaysto gudaha dalka Kenya.

Xeryaha Dhadhaab oo loo arko in ay yihiin kuwa ugu ballaaran caalamka ayaa waxaa la aasaasay kaddib colaaddii sokeeye ee Soomaaliya si hooy loo siiyo Soomaalida ka soo qaaxaya dalkooda.