Kurdiyiinta oo dagaal ku qaaday bariga Mowsil

colaadda Mowsil Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Kurdiyiin ku sii wajahan magaalada Mowsil

Ciidamada Kurdiyiinta dalka Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in bariga magaalada Mowsil ay dagaal ba'an kula jiraan mintidiinta kooxda Dowladda Islaamka.

Kurdiyiinta ayaa aroornimadii isniinta dagaal ku qaaday saldhigyada kooxdan, si ay u qabsadaan magaalada Bashiqa.

Kal hore, mintidiinta kooxda Dowladda Islaamka oo isaga baxaya deegaan ku yaala koonfurta Mowsil ayaa dab qabadsiiyay 19 ceel oo ah kuwa saliidda.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in dad badan oo deegaanka ah uu naqaska ku xirmay, halka xoolo badan ay dhinteen.

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa maalmihii ugu dambeeyay guulo ka gaaray dagaalka ay ugu jiraan qabsashada Mowsil.