Qaramda Midoobay: 7 kun oo qof ayaa lagu dilay colaada Yemen

Colaada Yemen Lahaanshaha sawirka AP

Baaritaan ay sameysay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO ayay ku heshay in dagaallada sokeeye ee dalka Yemen ay ku dhinteen 7 kun oo qof isla markaana ay ku dhawacmeen 37 kun oo kale.

WHO waxay sheegtay in colaadda Yemen oo billaabatay horraantii sanadkii hore ay adeegyadii caafimaad ee dalkaa ku xirmeen ay ku shaqeeyeen si aan dhamaystirayn.

Dagaalka ayaa sidoo kale wuxuu dhaliyey in uu si wayn u saameeyo dhaqaalaha Yemen oo ka mid ah waddammada ugu faqiirsan dunida, iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen in dadku ay macaluul u dhimanayaan.