Baarlamaanka Hungary oo u codeynaya qoondada qaxootiga

Hungary Qaxooti Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Baarlamaanka Hungary ayaa maanta cod u qaadaya qoondada qaxootiga ee dalkaasi

Baarlamaanka Hungary ayaa maanta u codeynaya isbedel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi, kaasoo looga gol leeyahay in lagu diido qoondada muhaajiriinta ee uu Midowga Yurub ku qasbayo dalkaasi.

Qorshahan ayaa waxaa ka dambeysa dowladda uu hogaamiyo xisbiga garabka midig ee Fidesz, kaasoo doonaya in uu xoojiyo natiijada aftidii isla arrintan ay shacabka dalkaasi u qaadeen bishii hore.

Natiijadaasi ayaa meelmari wayday maadaama ay codbixiyayaal aad u tira yar codkooda ka dhiibteen.

Midowga Yurub ayaa doonaya in Hungary ay qaabisho 1,294 qof oo muhaajiriin ah.

Weriyaha BBC uga soo warrama caasimadda Budapest ayaa sheegaya in natiijada codeynta baarlamaanka ee maanta aan la saadaalin karin, maadaama xisbiga ra'iisal wasaare Viktor Orban aanu haysan aqlabiyada 2/3 ee looga baahan yahay.