Baarlamaanka Hungary oo diiday wax ka bedelida dastuurka

Hungary EU Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Baarlamaanka Hungary ayaa diiday in isbedel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi.

Baarlamaanka Hungary ayaa diiday in isbedel lagu sameeyo dastuurka dalkaasi, kaasoo dhabaha u xaari lahaa in dowladda dalkaasi ay diido qoondada muhaajiriinta ee uu Midowga Yurub ku qasbayo.

Qorshahaasi ayaa waxaa horkacaysay dowladda uu hogaamiyo xisbiga garabka midig ee Fidesz, taasoo doonaysay in ay xoojiso natiijada aftidii isla arrintan ay shacabka dalkaasi u qaadeen bishii hore.

Natiijadaasi ayaa meelmari wayday maadaama ay codbixiyayaal aad u tira yar codkooda ka dhiibteen.

Midowga Yurub ayaa doonaya in Hungary ay qaabisho 1,294 qof oo muhaajiriin ah.

Xisbiga ra'iisal wasaare Viktor Orban ayaa looga baahnaa in uu helo aqlabiyada 2/3, balse waxa ka dhinnaa laba cod oo keliya.

Waxaa codeynta ka maqnaa xildhibaannada xisbiga midig fog ee Jobbik.