Faadum- Kinsi Cabaas oo heshay abaalmarin
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Faadumo Kinsi Cabaas oo heshay abaalmarin

Magaalada London ayaa xaflad ka dhacday waxaa abaal marin lagu guddoonsiiyey Faaduma-Kinsi Cabaas oo ah gabar ka soo jeedda gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Faaduma oo madax ka ah ururka la yiraahdo Pastoralist Girls Initiative, waxaa la sheegay in ay aad uga shaqaysay sidii loo yarayn lahaa caqabadaha ku hor gudban gabdhaha xoolo dhaqatada ah ee doonaya inay helaan nolol fiican.

Ururkeedu wuxuu sidoo kale dhisay iskuullo, xarumo caafimaad, iyo goobo laga helo biyaha. Abaal marinta ayaa waxaa guddoonsiiyey urur la yiraahdo Stars Foundation. Hawsha uu ururkeedu qabto iyo tan ayadu qabato ayey uga warrantay Farxaan Maxamed Jimcaale.