Doorashada Maraykanka: Trump oo ku guuleystay gobolo muhiim ah

Trump iyo kooxdiisa ololaha oo ku sugan New York Lahaanshaha sawirka Trump
Image caption Trump iyo kooxdiisa ololaha oo ku sugan New York

Donald Trump ayay u muuqataa inuu guulo ka gaaray gobolo muhiim ah oo u horseedi karo inuu ku guuleysto doorashadan. Wuxuu ku guuleystay gobolada sida Florida, Ohio, North Carolina iyo Iowa. Codadka ayaa wali la tirinayaa gobolada qaar.Balse waxay u muuqataa inay sii fogaaneyso suurtaglnimada in Clinton ay guuleysato.

Dareen dabbaldeg xambaarsan ayaa ka jira xarunta ololaha Trump halkan taagerayaasha Clinton ay u muqudaan kuwa niyad jabsan.

Tiradii ugu badnayd ee beryahaa u soo baxa cod bixin ayaa doorkan codkooda dhiibanaya.

Suuqyada saamiyada ee Asia ayaa hoos u dhacaymarkii ay natiijooyinka hordhaca ah soo baxeen.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Taageerayaasha Clinton oo niyad jabsan

Dhinaca kale, sarifka lacagta Peso ee Mexico ayuu ku yimid hoos u dhicii ugu weynaa marka la barbardhigo doollarka.

Ganacsatado waxay filayeen in si fudud ay ku guuleysato Clinton, taasina waxay keentay in tartanka adag uu ku dhaliyo walwal.

Guul uu gaaro Trump ayaa qaaradda Asia waxaa loogu arkaa inay saamayn xun ku yeelan doonto dhaqaalahooda.