Koox Kenyan ah oo dambiyada ka dhaca doorashada Maraykanka diiwaan gelinaya

Malaayiin qof oo Maraykan ah ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadan Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Malaayiin qof oo Maraykan ah ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadan

Website laga leeyahay dalka kenya ayaa soo ururin doona isla markaana kaydin doona falal dambiyeedka ka dhaca doorashada dalka Maraykanka ee ay ka midka yihiin caga juglayntu.

Laba kooxood oo midkood joogto Maraykanka ta kalena Kenya ayaa ka shaqaynaya hawshan.

Maareeyaha horumarinta ee Website-kan oo la yidhaa Ushahidi ayaa BBC-da u xaqiijiyay tallaabadan ay qaadeen.

Website kan waxa loo adeegsadaa in lagu soo ururiyo macluumaad ila markaana lagu kala shaandheeyo macluumaadkaas oo marka dambe loo gudbiyo hay'do la shaqeeya Website ka si tallaabada ku haboon ay u qaadaan.

Musharaxa Jamhuuriga Donald Trump ayaa hore u sheegay in uu rumaysanyahay in doorashada lagu shuban doono. Waxaana jirta cabsi ay dadka qaar ka qabaan baaqiisii uu u diray taageerayaashiisa ee aha in ay ilaaliyaan doorashadu in uu keeni karo in ay handadaan dadka codka dhiibanaya.