Falanqeyn: Muxuu Zuma markasta ugu badbaadaa xilka qaadis?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn: Muxuu Zuma markasta ugu badbaadaa xilka qaadis?

Axsaabta mucaaradka ah ee ka tirsan baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa mar kale ku guuldaraystay in ay cod kalsooni la'aan ah u qaadaan madaxweyne Jacob Zuma.

Madaxweyne Zuma oo marki saddexaad sanadkan gudihii ka badbaaday in xilka laga qaado ayaa la kulmaya cadaadis ah in uu iscasilo, ka dib markii baaritaankii ugu dambeeyay lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa musuq-maasuq iyo wax isbada marin.

Xisbiga talada haya ee ANC, kaasoo uu ka tirsan yahay madaxweyne Zuma ayaa aqlabiyad ku leh baarlamaanka Koonfur Afrika.

Haddaba muxuu madaxweyne Jacob Zuma uga badbaadaa markasta oo xilka laga tuuri rabo? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayay Suheyba Badqas weydiisay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka.